JAMHUURIYAMEDIA.COM
JAMHUURIYA: Falanqaynta 82-ka Xildhibaan ee Golaha Wakiillada oo 8 Sanno iyo 5 Bilood Kuraasta Fadhiyey
March 23, 2014 - Written by Ali jaamac

Dib-u-jalleecista mudanayaasha guur-guurka badan ee xisbiyada kala duwan u kala safray iyo kuwa aan mar qudha mowqifkooda beddelin

QORMADA 12aad

 

Falanqaynta Jamhuuriya iyo afarta mudane ee ugu dambeeya xildhibaannada ka soo jeeda Gobolka Awdal iyo mid kastaa kaalinta uu kaga jiro hawlaha siyaasadda ee golaha dhexdiisa iyo dadka soo doortay.

Md. Xasan Muuse Hufane (Karaamo): ? Xildhibaankan lagama hayo wax xogo ah oo faallo ka bixiya taariikhdiisa iyo doorka uu ku leeyahay Golaha Wakiillada iyo degaannada laga soo doortay ee Gobolka Awdal.

Waxa uu ka soo baxay xisbigii burburay ee UDUB, balse meel uu uga sii guuray iyo halka uu ku dambeeyey toona si cad looma shaacin.

Md. Cabdillaahi Axmed Yuusuf (Madar): Waa aqoonyahan meelo kala duwan ka soo shaqeeyey. Waa nin xarrago badan oo had iyo goor tayga isku giijiya. Doodaha wuu ka qaybgalaa, laakiin ma buurna saamaynta uu golaha dhexdiisa ku leeyahay, joogistiisa goluhuna ma badna, gaar ahaan xilliyada fasaxa.

Caddaymo la wada ogyahay looguma hayo warbaahinta meel uu wax kaga qabtay horumarinta adeegyada bulshada degaannada laga soo doortay.

Waxa uu ka soo baxay xisbigii meesha ka baxay ee UDUB, imminkana waxa uu ka tirsan yahay muxaafidka KULMIYE.

Md. Cabdulqaadir Jibriil Tukaale: Waxa uu Golaha Wakiillada ku biiray horraantii bishii October ee sannadkii 2012, waqtigaas oo isaga iyo saddex mudane oo kale beddeleen afar xubnood habsan dheer awgeed golaha looga saaray, isagoo ka hor intii aannu Golaha Wakiillada ku biirin soo qabtay xilka agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha xilligii dawladdii madaxweyne Rayaale ee lagaga adkaaday doorashadii madaxtooyada ee 26 June 2010 ka dhacday Somaliland.

Golaha dhexdiisa kuma laha saamayn la dareemi karo, warbaahintana looguma hayo waxqabad uu ka fuliyey degaannada shacabka uu metelo, inkasta oo uu 2 sanno oo keliya kursiga fadhiyey.

Waxa uu ka soo baxay xisbigii saaxadda siyaasadda ka dhintay ee UDUB, kadibna waxa uu ku biiray xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI oo isaga iyo dhowr xildhibaan ay isku xisbi ahaayeen u qabtay xaflad ballaadhan oo lagu soo dhoweeyey.

Md. Axmed-yaasiin Sh. Cali Ayaanle: Waa xubinta ugu da’da yar, uguna cadcad 13-ka xildhibaan ee ka soo jeeda Gobolka Awdal. Waa mudanihii ugu horreeyey ee beddel ku soo gala golaha, waxaannu kursiga ka dhaxlay Allaah ha u naxariistee xildhibaan Cali Aare oo geeriyooday wax yar ka hor intii aan xilka loo dhaarin xildhibaannada ku guulaystay codbixintii doorashada Golaha Wakiillada ee dalka ka dhacday dabayaaqadii sannadkii 2005. Waa aftahan hadal-yaqaan ah oo caan ku noqday difaaca hadda cidda xukunka haysa. Waa nin firfircoon oo markasta jecel in aragtidiisa siyaasiga ah meel-marto, isla markaana arradan sida mucaarad loo nodo. Waa Qaadiriya aan maqaamyada culimadii hore ee waaweynaa laga waayin, fooxana aad u shita, sidoo kalena ka dhex muuqda munaasibadaha lagu xusayo dhalashadii Nebigeenna Muxamed (NNKHA).

Dadka dhaliila hab-dhaqankiisa siyaasiga ah ayaa ku tilmaama guulwade saaxiib dhow la ah Madaxtooyada oo afmiishaarnimo lagu naas-nuujiyo. Si wanaagsan oo codkarnimo leh ayuu rayigiisa uga dhiibtaa doodaha goluhu yeesho, waana bulshaawi sheeko iyo kaftan badan oo codkiisu nool yahay. Xilligii xukuumaddii Rayaale talada haysay waxa uu si adag u dhaliili jiray Madaxweyne Siilaanyo oo waqtigaas hoggaaminayey xisbiga KULMIYE, isla markaana duufaanno adag oo mucaaradnimo ah kala soo horjeeday xukuumaddii doorashada lagaga adkaaday iyo xisbigiisii saqiiray ee UDUB, maantana waxa uu ka mid yahay ragga ammaanta Madaxweynaha ku caan-baxay ee marka ay garab joogaan marxabayntiisa la jibbooda, iyadoo arrintaasina u suurtogalisay inuu darka loo kala dheereeyo ee Madaxtooyada kaga garbiyey qaar ka mid ah xildhibaannada siyaasiyiinta xisbiyahannada KULMIYE.

Inkasta oo uu u ololeeyo horumarka gobolkiisa, haddana markhaatiyo sugan uguma jiraan diiwaanka markhaatiga saxaafadda gacan iyo taageero uu ku darsaday horumarinta adeegyada bulshada degaannada Gobolka Awdal ee uu codkooda kursiga ku fadhiyo.

Waxa uu ka soo baxay UDUB, waqtiganna waxa uu safka hore kaga jiraa xildhibaannada xukuumaddu ku dhaarato ee xisbiga KULMIYE ugu jira Golaha Wakiillada Somaliland. La soco falanqaynta xildhibaannada laga soo doortay Gobolka Saaxil oo aad u xiiso badan………

COMMENTS