JAMHUURIYAMEDIA.COM
JAMHUURIYA: Falanqaynta 82-ka Xildhibaan ee Golaha Wakiillada oo 8 Sanno iyo 5 Bilood Kuraasta Fadhiyey
March 17, 2014 - Written by Ali jaamac

Dib-u-jalleecista mudanayaasha guur-guurka badan ee xisbiyada kala duwan u kala safray iyo kuwa aan mar qudha mowqifkooda beddelin

QORMADA 7aad

Qormada 7aad ee falanqaynta mudanayaasha Golaha Wakiillada waxa aynnu ku diiradda ku saaraynaa raxanta ugu dambaysa xildhibaannada laga soo doortay Gobolka Togdheer iyo hormada ugu horreysa reer Sanaag oo tiradoodu tahay 12 mudane.

Qormadan taxanaha waxa wargeysku ugu tallogalay inuu ku soo bandhigo mashaariicda iyo waxqabadka mudanayaashu fuliyeen muddada ay xilka hayeen ee laga baahiyey dhinaca saxaafadda, balse muddadii qormadan sida tooska ah ugu soo baxaysay wargeyska Jamhuuriya, waxa soo baxay mudanayaal degaannada laga soo doortay ka fuliyey ama dabada ka riixay waxqabad iyo mashaariic laga hirgeliyey, kuwaasoo aan si toos ah saxaafadda looga baahin.

Md. Cabdicasiis Ismaaciil Ducaale (Dhul-cun):  Waxa uu ka mid yahay dhowr mudane oo aan muddada 8 sanno iyo dheeraadka ah oo ay kuraasta fadhiyeen ku guuldarraystay inay makarafoonka qabsadaan oo ay fikirkooda ka dhiibtaan mooshinnada iyo xeerarka goluhu ka doodo, saamayn muuqatana kuma dhex laha golaha uu ka tirsan yahay, balse kama maqnaado inta badan fadhiyada.

Weli lama arag gacan uu ka geystay horumarinta adeegyada bulshada ee degaannada laga soo doortay oo saxaafadda laga baahiyey.

Waxa laga soo doortay xisbigii burburay ee UDUB, kadibna waxa uu ku biiray xisbul-xaakimka KULMIYE.           

Md. Cali X.Maxamed Muuse:  Waxa uu hore u ahaa gaashaanle sare oo ka tirsan millateriga dawladdii Siyaad Barre. Waxa uu Aqalka Wakiillada ku biiray 2005, waxaannu ka mid yahay xubnaha ugu da’da weyn mudanayaasha, wax saamayn ah oo muuqatana tan iyo muddadaas kuma dhex yeelan golaha, balse sida mudanayaasha kale ee saaxiibadiisa ah, waxa uu ka qaybqaatay shuruucda iyo xeerar kala duwan ee Golaha Wakiilladu ansixiyey.

Looma hayo wax cad oo uu ka qabtay horumarinta adeegyada bulshada degaannada Gobolka Togdheer ee laga soo doortay.

Waxa uu ka soo baxay xisbigii saaxadda ka baxay ee UDUB, kadibna waxa uu ku biiray WADDANI.

Md. Farxaan Maxamed Cali: Waxa uu Golaha Wakiillada ka tirsanaa tan iyo sannadkii 1997kii, balse muddadaas dheer si fiican ugama uu dhex muuqan golaha, hadal-hayntiisuna way ku yar tahay bulshada dhexdeeda.

Lama sheegin wax uu qabtay iyo taageero horumarineed oo uu u fidiyey bulshada degaannada dib looga soo doortay sannadkii 2005,

Waxa uu ka soo baxay xisbigii dhacay ee UDUB, imminkana waa xisbul-xaakimka KULMIYE.

Md. Xuseen Ismaaciil Yuusuf: Waa ku dhowaad 70 jir. Waxa laga soo doortay degaannada Oodweyne, waxaannu ka mid yahay mudanayaasha waayeelka ah ee marar badan lagu dhex arko doodaha golaha, waxaannu waqtigii xukuumaddii Madaxweyne Rayaale in badan u hanqal taagay inuu ku fadhiisto kursiga Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, balse nasiib-darro wuu ku guuldarraystay damacaas oo waxa ololihiisii hafiyey isbahaysigii xildhibaannada labadii xisbi mucaarad ee xilligaasi ku qabsadeen saddexda xubnood ee shirguddoonka.

Dhinaca waxtarka aan muuqan waxa uu kala siman yahay inta badan xildhibaannada kale ee golihiisa.

Waxa laga soo doortay UDUB, waqtiganna waxa uu ku tirsan yahay xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI.

XILDHIBAANNADA GOBOLKA SANAAG:

Md. Cabdiraxman Maxamed Talyanle: Waa mudanaha keliya ee cod toos ah lagaga soo doortay degaannada bariga Gobolka Sanaag. Waxa uu Golaha Wakiillada ka mid noqday sannadkii 2008, xilligaas oo beddelay Allaah ha u naxariistee marxuum Yuusuf Maxamed Cali (Tuke) oo ku geeriyooday shil baabuur bishii November ee sannadkaas. Sidoo kale, waa Guddoomiye-ku-xigeenka 3aad ee Xisbiga KULMIYE. Waa qunyar-socod aan saamayn xooggan ku dhex lahayn golaha, waxaannu ka dhex muuqday khilaafkii dhowaan la xalliyey ee muddada ka dhex aloosnaa xisbul-xaakimka talada haya. Waxa uu hore u soo qabtay xilka Maareeyaha Madbacadda Qaranka Somaliland xilligii xukuumaddii Madaxweyne Rayaale.

Waa Guddoomiye-ku-xigeenka guddiga qaran ee Madaxweyne Siilaanyo u xilsaaray qaadhaan-ururinta jidka Ceerigaabo ee hadda dhismihiisa la bilaabayo, waxaannu muddo dheer ka soo shaqaynayey hawlaha nabadaynta ee degaannada bariga Sanaag ee laga soo doortay. Way jiraan safarro uu ku tegay degaannada shacabka uu codkooda kursiga ku fadhiyo oo sida la sheegay uu gacan ka geystay mashaariic horumarineed oo laga fuliyo, balse warbaahinta laguma shaacin meelaha uu wax ka qabtay.

Waxa uu ka soo baxay xisbiga KULMIYE oo uu weli ka tirsan yahay.

Md. Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan: Waa qoraa iyo suxufi af gaaban oo aan ku dheerayn laacdanka goleyaasha kulul ee siyaasadda. Waa keli-socod aan inta badan raacin mudanayaasha dhiggiisa ah, saamaynta uu ku leeyahay golaha dhexdiisuna ma buurna, laakiin sida qaalibka ah doodaha kama hadho oo rayigiisa wuu ka dhiibtaa xeerarka iyo mooshinnada.

Safarradiisa Gobolka Sanaag ee uu ka soo baxay ma yara, lamase shaacin mashaariic horumarineed uu gadh-wadeen ka yahay oo laga fuliyey degaannada laga soo doortay.

Waxa laga soo doortay, ilaa haddan ka tirsan yahay xisbiga muxaafidka ah ee KULMIYE.

Md. Cali Maxamed Aadan (Cali-barre): Waxa uu Golaha Wakiillada ka tirsanaa tan iyo sannadkii 1993, waxaannu doorasho aan toos ahayn kaga yimi degaannada bariga Sanaag oo uu dhalasho ahaan ka soo jeedo.

Waa waayo-arag aan danihiisa gaarka ah ka fogaan, isla markaana taageeradiisu markasta dhinaca xukuumadda talada haysa u janjeedho.

Muddada 21-ka sanno ah ee uu Golaha Wakiillada ku jiray way jiraan mashaariic uu horkacayey oo laga fuliyey degaannada bariga Sanaag ee uu ka soo jeedo, balse sida la sheegay waxqabadkiisu waxa uu ugu liitay tan iyo intii ka dambaysay markii mar saddexaad dib loogu soo xulay Golaha Wakiillada sannadkii 2005.

Inkasta oo uu xilligii xukuumaddii Rayaale taageeradiisa siyaasadeed ku biiriyey xisbigii burburay ee UDUB, haddana waxa uu ku abtirsadaa xisbul-xaakimka KULMIYE oo dib ugu laabtay markii Madaxweyne Siilaanyo talada dalka ku guulaystay sannadkii 2010. Xildhibaan iska eeg liiska dambe halka aad kaga jirto falanqaynta Jamhuuriya…..

COMMENTS